Shirka Amniga Qaranka oo Maanta lasoo gabagabeynaayo

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Maanta gelinka dambe ayaa lagu waddaa in Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo , islamarkaana war murtiyeed laga saaro Shirka Amniga Qaranka ee shalay ka furmay Muqdisho.

Wasiirka Gaashaanshigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo shirkan faah faahinayay ayaa sheegay in warbixino laga dhageystay shalay Madaxda Maamul Goboleedyada, Talisyada Ciidamada, Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shirka looga dooday sidii Ciidamada Qalabka Sida ay ula wareegi lahaayeen Masuuliyadda amniga ee dalka, oo hada ay gacanta ku hayaan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, arrintaasna meel wanaagsan ay mareyso.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war Murtiyeed ay ku xusan yihiin waxyaabihii ka qabsoomay Shirarkii hore ee Muqdisho ka dhacay.

Shirkaan ayaa ah midkii 6-aad  oo ay Goluhu yeeshaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *