Shirka AU oo ka Furmaya Addis Ababa

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Saacaddaha soo socda ayaa lagu waddaa in magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya,  uu ka furmo Shir Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika, iyadoona Shirkaasi uu ka qeyb galaayo Madaxweynaha Soomaaliya oo hadda ku sugan Addis Ababa.

Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana sanadkaan looga hadli doonaa xoojinta dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa oo ay hoggaamiyeyaasha Afrika si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.

Shirkaasi ayaa sidoo kale lagu casuumay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuumaasin oo halkaasi ka jeedin doona khudbad la xiriirta arrimaha Falastiin,isagoo sidoo kale soo bandhigi doona aragtidiisa ku aadan go’aankii madaxweyne Trump ee Qudus.

Madaxda Afrika ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay yeeshaan kulamo gooni gooni ah oo looga hadlaayo xaaladda Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *