Shirka Talabixinta iyo Wadatashiga qorshaha qaranka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Baydhabao

Filed under: Faafan,WARARKA MAANTA |

Baydhabo(FAAFANNEWS)Shirka Tala bixinta iyo wada tashiga qorshaha qaranka ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay,shirka qorshaha ayaa waxaa ka qaybgalaya wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaha xukuumadda Soomaaliya iyo wasiirada qorshaha ee maamulada dalka ka jira.
Xafladda furitaanka shirka qorshaha qaranka ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa sheegay in shirkan looga gol leeyahay sidii dalka u yeelan lahaa qorshe qaran oo dhamaystiran.

Shirka Talabixinta iyo Wada tashiga qorshaha qaranka Soomaaliya ayaa la tilmaamay in isla maanta lasoo gabagabeyn doono isla markaane laga soo saari doono Warmurtiyeed ku saabsan qorsha qaran ee dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *