SHIRKII XALAY IYO GUUSHII SHACABKA OO BILAABATAY ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Waxaa iska soo daba dhacaya hambalyooyinka Dhalinyarada ,Odayaasha Deegaanka ,Haweenka iyo qaar kamida Golaha wasiirada xisbiga iyo Baarlamaanka Deegaanka kuwaasoo bogaadinaya Shirkii Dulmidiid ee Xalay inoo qabsoomay , waxay isku si u qireen Inaanu ka guuleysanay Dulmiga waxayna Rajo ka muujiyeen Midnimada iyo dhiiranaanteenu inay Qalbigoodu taabatay kuna diirsadeen Habsamida iyo Quruxdii uu ku qabsoomay shirku

Goordhaweyd waxaan wada Akhrinayay fariimaha iska soo daba dhacaya ee deegaankii iyo khaaradaha Aduunyada ka imanaya waxaa kaloo aan qabanayay Telefoonada Anigoo ixtiraam u haya Shacakeeyga Dulmi diidka ah ,

Waxaan aad ula yaabay nin Wasiir ahaa oo Aan is odhan jiray kan waa Khaain cabdi ileey ayuu kasii xunyahay balse qoraalkiisa kolkaan arkay Wuu i qiiro galiyay Hadalkiisuna sidan ayuu u qornaa

“Walaashey Qaali Nasra Halgan waxaan ku faraxsanahay midnimadiina iyo sida aad shacabka ugu gurmateen , Daalimka uga soo horjeedsateen idinkoo mideysan
Walaal kaabineedku ma wada xuma lkn wakhtiga iyo maamulka sare unbaa xun
Waana sidaa waxa aad dad xun inoogu malayseen inyar mooyee Shacabka iyo maamulku 89% wey idin taageersan yihiin
Shacbiyad iyo taageerayaal ayaad Leedihiin , Qoraaladiina waanu Akhrisanaa habeen iyo maalin Guulaysta walaalayaal Cabdi ileey wuu socdaa Allaha na Dhaafiyo wuu na dukeystaye””

Aaamiin Aamiin

Qoraalkaas ayaa ugu muhiimsanaa Qoraaladii iga soo gaadhay khadka telefonka Dadkii aan kula xidhiidhay ee Taageerasha Dulmi diid waxay Sheegeen in Uu Dumay Darbigii cabsida Cabdi ileyna uu Waashay mid kale haddii aad ku celisaana wuu dhimanayaa ee ku celiya shir kale ,

Shirku wuxuu ahaa cadaw jabis xalay teegeerayaashayadu meysan seexan farxad Darteed Halka cadawguna uu Ka naxay kuna hurdo seegay ,

Cabdi ileey isagoo aan xalayto oo dhan seexan ayuu saaka u kalahay Adis ababa halkaasoo looga yeedhay isaga Lama magarse waxaana muuqata saansaan is badal sida ay dadka Deegaanka iyo qoraalada wasiirada, xildhibaanadu iisoo direen ku qornayd ,

Waa illaahey mahaddii kol Haddii Dadkii cabdi iley u shaqaynhayay ee aan shalay cadaw u arkayay maanta inay Dulmidiid ila yihiin

Ma doonayo inaan magacyadooda sheego qoraaladoodii waan Delet gareeyay qof kastoo hambalyo soo diray

Waa Mahad ilaahey Dulmigii Hadaanu u mideysanahay oo aan meel uga soo wada jeedsanay

Shacabka waxaan ugu baaqayaa inay uDiyaar garoobaan ka qaybqaadashada taageerada Dulmi diidka

Waa Walaashiin Nasra Halgan Guul iyo Gobanimo

DAAWO SAWIRADII SHIRKA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *