SIDEEN DALKEENA KU BADBAADIN KARNAA MA ANAGOO MIDEYSAN MISE ANAGOO MAGACYO QABIIL KALA WADANO

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Waxaad wada ogsoon tihiin in dalka Ethiopia uu ku jiro xaalad adag oo siyaasadeed , Shacabka dalka intiisa badana ay dalbanayaan xaquuqahooda dastuuriga ah ee dalka u yaal, Dowladuna ay ka dhaga adeegayso arintan xalkeeda ama in ay si haboon uga jawaabaan.
Kacdoonadan shacabka deegaaanada Ahmarada iyo Oromada ayaa ay dowlada Ethiopia la daalaa dhacaysaa, oo ay ilaa iyo hada xal u la’ yihiin in ay xaliyaan, Dowladuna isku dayaysaa in ay xoog ku muquuniso, iyadoo maalinba maalinta ka danbayso ayka sii darayso oo ay deegaano cusub ay ka bilaaabanayaan kacdoono horleh
Dhanka kale, Dowladaha Reer galbeedka ayaa ku cadaadinay dowlada Ethiopia in ay siyaasadeeda gudaha ay furfurto oo ay siiyaan fursad ururada mucaaradku ay kaga qayb galaan doorashooyin xor ah, in guud ahaan dimoqraadiyad dhab ahna laga hirgaliyo dalka oo dhan iyo in ooda laga qaado maxaabiista siyaasada u xir xiran.
Waxaa iyaduna aynu ka dharagsanahay qowmiyada Ahmaarad iyo Oromadu in ay isku dhowyihiin siyaasad ahaan oo ay midaysanyihiin sidii ay karkaarka u waydaarin lahaayeen qowmiyada yare e laga tirade badan yahay ee haatan talada haysa.
Waxaa xusid mudan iyana in ay jiraan culays kale oo Ethiopia kaga imaanaya dowlada Masar, iyadoo wax heshiis rasmi ah aysan ka galin biyo xireenka weyn ee abay. oo ay waliba dowlada Masar marna ogalaan doonin in la dhiso biyo xireenka Abay oo ay aaminsanyihiin in biyaha niilka uu yahay nolosha dalka Masar.
Dowlada Masar oo Iyana la heshiisay dalka Eriteria oo ay labaduba rabaan in ay Ethiopia qal qalsiyaasadeed ka ridaan oo labaduba ay hal u jeedo leeyihiin oo ah in Ethiopia ay cadow u tahay labada dal ee Eriteria iyo Masar.


Dolwada Eriteria ayaa mudaba ku hawlan sidii ay u abaabuli lahayd mucaaradka Ethiopia. Waxayna furtay xeryo ay ku tababarto ururo siyasadeed dalkeeda.
Hadaba, Tigreega oo marxaladahaa aan sheegayo oo dhan ay haystaan ayaa la tacaalaya culays yadan isbiirsaday ee siyaasadeed , waxay damacsan yihiin sidii ay u raadsan lahaayeen taageero qowmiyadaha kale ee dalka oo ay ugu horeeyaan qowmiyada Soomaalida si ay isaga fudaydiyaan cimri dherarna ay uga helaan oo ay ku sii haystaan talada dalka.


Waxaan ogsoonahay oo aynu ka dharagsanahay in ay hada ka hor ETHIOPIA isku dayeen in wada hadalo la sameeyaan ururka ONLF oo  mudo dhan 27 sanadood mucaarad ahaa.
Wadahadaladaasna wax ka socon waayeen Dhanka dowlada Ethiopia,
Ethiopia oo mar walba rabtay in ay hoos ula heshiiyaan oo ayna waxba buun buunin heshiiska ONLF oo ay isa soo dhiibaan iyadoo aamin sanaayeen in aysan wax tabar ah oo buuran aysan lahayn.
Hadaba maxaa iska badalay hada oo Ethiopia u raadinaysaa in ay ONLF la heshiiso?


Waxay rabaan mowjadahaa kacsan ee Ethiopia la daa laa dhacayso in ay ka hor geeyaan dadka soomaalida madaama aysan haysan cid kale oo garab u ah, Mana aha jacayl ay u qabaan dadka soomaalida ama ay rabaan in ay degaanka sooomalida siiyaan xornimo iyo aayo ka tashi.


Waxa kaloo ay rabaan in ay maalmo TV Ethiopia ka sii daayaan oo ay ugu han jabaan qowmiyadaha Ahmaarada iyo Oromada oo ay yiraahaan ONLF baa dagaal waxba nagaga qaadi weysay oo isa soo dhiibtay, sidii Melez Zenawi markuu noolaa ee UWSLF IYO ONLF garabkii Saalixudiin Mocow ay u galeen.
Waxay kaliya ay rabaan in ay xaalada hada haysata kaga gudbaan marka ay xaaladuna is badasho ay sidii ay waligood ba yeeli jireen yeelaan, sida Ururkii Al itaxaad UWSLF IYO onlf GARABKII SALIXIDIIN MACOW AY KA YEELAAN.


Hadaba, Shacabka Deegaanka maxaa la gudboon,
TALO BIXIN


Anigu waxaan u malaynayaa in 30 sanadood oo hor leh in aynaan dagaal gali karayn oo aynaan ogayn meesha uu ku dhamaan doono, Ahmaaro iyo Oromo car cartooda cusub la dagaalan keeda xal uma arko.
Waxaa iyana xusid mudan Markay TPLF ta dalka qaban doonaan 1991 horaanteedii in ay isku dayeen in ay garab ka dhigtaan Soomaalida oo ay ugu tageen xamar WSLF. oo ay WSLF ka diideen, kabacdina shirkii London ee Ugu danbeeyay ee lagu kala wareejinayay Dergigii iyo TPLF xukunka . In ONLF tii London waxay soo raaceen Goshu Wolde oo mucaaradkii Ahmaarada ahaa oo ay mudaaharrad ka hor sameeyeen meeshii uu shir ka socday.
Markaan Waan garan weynay fursadaa.
hadana, fursadiyoo kale ayaa taagan oo laba kooxood ay rabaan in ay na daba mariyaan.

Kooxda kowaad Waa ONLF
Kooxda labaadna waa Maamulka Kililk uu garwadeenka ka yahay Cabdi Maxamuud Cumar.

Shacabka Soomaalida laba ayaa la gudboon in ay sida qowmiyadha kale ee dalka in ay dhowraan isbadalada dhacaya oo ayna ka qayb galin gulufka lagu qaadayo Ahmaaro iyo Oromo.

ama in laga qayb noqdo kacdoonada ka socda Ethiopia oo aynu ka qayb qaadano wax kasto oo isbadal ah oo dalka ka dhaca.
Waxaa laga yaabaa qaar kiin in aad is waydiisaan ma waxaa uu noogu yeedhi gumaysi cusub ?

Maya idinku yeedhi maayee Ethiopia meela ugama socono ee isbadalada dhicidoona yaynaan daba marin aynu kaalinteena qaadano oo shacbkanaga aynu wacyi galino Ethiopia dimoqraadiyad dhab ah baa dhalan oo cid walba ay rabitaan keeda ay kula joogi ama ay kaga goosan karto ee yanaan noqon kuwii shalay tigreeega u dagaalamayay weeye oo anaan korka wax nalaga keenin ee aynu ka qayb qaadano isbadalkan Aduunka oo dhan dabada ka riixayo, laguna qasbayo dowlada Ethiopia in ay hirgaliso dimoqraadiyad dhab ah, hadii kale kacdoon shacab ku iman karo.
Wabilaahi Towfiq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *