SOOMAALIDU MARKA CADAW LAGA DIFAACAYO DALKA WAA ITOOBIYAAN, MARKA MANFACA DIFAACA LA QAYBSANAYANA DAAQSIN AYAY KU JOOGAAN

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Sida aynu wada ogsoonahay sanadkii 2000 Itoobiya waxaa soo weeraray wadanka yar ee ay walaalaha yihiin ee Eratariya waxayna ka qabsatay deegaano ay ka midyihiin Badume iyo salanbasa oo ah xuduuda u dhaxaysa labada wadan. Dawlada Itobiya ka talisa ee ay hormuudka u tahay EPRDF qaylo aya af labadii dhawaaqday waxay deegaan walba ka codsatay inay si siman uga qaybqaataan difaaca dalka. Soomaslidu waxay ka mid ahayd qoomiyadihii kaalinta laxaadka leh ka qaatay dhaqaalihii ku baxay dagaalka oo ay ku jiraan lacag iyo xoolo nool oo laga soo ururiyay dadka danyarta ah een manfac fiican ku qabin qaybta dhaqaalaha wadanka, wiilashooda iyo gabdhahooduna waxay ahaayeen xaabadii lagu huruniyay dagaalka ka oogan xuduuda. Wali waxaa gidaarada magaalooyinka deegaanka fadhiya dhalinyaradii ku curyaantay dagaalka ee markii uu dagaalku dhamaday la farishay si ayna xuquuq u helin intooda ka badbaaday rasaasta afawarqi iskadaa warkooda intii dhimataye. Waxa ciidamada laga cayriyay halyayadii jabiyay dhufayskii adkaa ee Eratariya iyadoo laga hortagayo inay fantaan salaanka saraakiisa ciidamado.
Tan waxaa cadayn u ah in maanta oo la dalacsiiyay ku dhawaad 70 sargaal oo kamida ciidamada milatariga Itoobiya ayna soomaalidu ka muuqan saaxada.
Su’aasha aan rabo inaa u dhaafo EPRDF jaabteeda ayaa waxay tahay; soomaalidu marka cadaw dalka laga difaacayo na ma muwaadiniin baa marka adeega difaaca iyo nabadgaliya la qaybsanayo na ma daaqsinbay Itoobiya ku joogaan?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *