taariikh nolaleedkii alaha u naxariistee marxuum mahamed cali samatar

Filed under: CIYAARAHA,Faafan,WARARKA MAANTA |

Video:-Taariikhdii Jeneral Maxamed Cali Samatar oo ku geeriyooday Maraykanka

maxamed cali samatar

20 Aug (FAAFANNEWS)…S/Guud Maxamed Cali Samatar  wuxuu ahaa nin aad u furfur oo kasban kara qof kasta iyo bulsha kasta oo uu la kulmo, waana sarkaalkii ugu horeeysay ee Soomaali ah ee abid gaara derejada S/Guud, tan iyo derejooyinkaa sarsare ee uu gaaray S/Guud Samatar wuxuu ku gaaray aqoontiisa, xirfadiisa iyo kartidiisa uu u leeyahay shaqadiisa, wuxuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyay horumar kasta oo uu wadankeenu gaaray xilligaas, wuxuuna ahaa kii dhisay ciidankii ugu xoogga waynaa uguna tababarka fiicanaa Afrikada madow, taas oo uu ku mutaystay In loogu yeero General kii kowaad ee Afrika.

Inkastoo ugu danbayntii uu ka mid ahaa saraakiishii gacantoodu ay ku burburtay awoodaas milatari ee ay somaliya gaartay,sidoo kale uu ka mid ahaa masuuliyiintii  kacaanka ee sida weyn ugu lug lahaa layntii saraakiishii muhiimka u  ahayd dalka  ee lagu laayay aaga Dirirdhabe iyo goobo kalaba.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 Halkan ka Daa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *