Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo Gaalkacyo kula kulmay Bulshada Rayidka

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod ayaa magaalada Gaalkacyo wuxuu kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada isagoo uga waramayey halka ay marayso Nabadayntii ay ku hawlanaayeen Saraakiisha ugu saraysa Soomaaliya iyo gudiyada Nabad galyada labada dhan ee Puntland iyo Galmudug.

Waxaa uu sheegay in meel wanaagsan ay marayaan howlaha lagu nabdeynaayo Magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay inay u baahantahay magaalada Gaalkacyo in la xoojiyo Amnigeeda sidoo kalana ladoonayo meel la dajiyo ciidamada isku dhafka ee ka hawlgalaya gobolka Mudug kuwaas oo isugu jira Boolis iyo Milatari.

Taliye Gorod ayaa sidoo kale waxaa Su’aallo weydiiyay qaar ka mid ah dhalinyaradda kunool Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u xilsaaray taliye Gorod in uu garwadeen ka noqdo howlaha Nabadeynta Magaalada Gaalkacyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *