Tuliguleed iyo Jinacsani in ciidamo Oromo ah shacab Soomaaliyeed xasuuqeen Maxaa ka run ah ? Xaqiiqduse maxay tahay?

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Dagaaladan Tuliguleed iyo Jinacsani ka jira badankoodu waxay ka dhacaan hada inta u dhaxaysa Jigjiga iyo Lafaciise, dhulkan ay dagaaladu ka dhacaana waxaa jira qabiila badan oo soomaaliyeed oo dagan.

Tusaale ahaan daraad dagaaladii ka dhacay #Walga oo ka tirsan degmada #Haroorays qasaarihii ka dhashay waxaa soo dhex galay beesha #Isaaqgaar ahaan Jibriil Yooniska reerka reer Fiqi la dhaho ee dagan isla Walga dhinaceeda kale ee loo yaqaan Walga Wayn.

Mararka qaar dagaaladani waxay saameeyaan qabiilada kale ee banka wax ka dagan oo xabadu mar mar gaadhaa mararka qaarna firxadku gaadhaa sida #Yabaree#Akisho ( Wara Itto), #Hawiyaha dagan Dibowga, iyo beesha #Samaroon iyaduna deegaanka meelo badan ka dagta ilaa Jinacsani, Tuliguleed si nabad ahna way ku joogaan dagaaladani waxaa kale oo ay mar mar saameeyaan ama halagu barakaco ama jidku ha xidhmo ama firxadku ha gaadhee Lafaciise, Jaare, xergeel iyo qabaleeyo kale oo ay beelaha Samaroon dagan yihiin.

Hadaba waxaa is waydiin mudan qabiiladaa aan magacaantooda xusay ee meesha dagan maxaa looga maqli waayay Ciidama Oromo ah ayaa Soomaali xasuuqaysa? Ciidamadaa Oromada ah ee Soomaalida xasuuqaysase maxay u xasuuqi wayday Beelahaa aan soo xusay mise beelahaasi Soomaali ma ahoo hal qabiil baa soomaali ah oo oo ay ciidamada Oromadu xasuuqayaa?

FG: u fiirsada dadkan Tuliguleed sawirkeeda oo dhiigaya soo wada saartay iyo dadkan ka hadla mar walba dhamaantood waxay kasoo jeedaan beel ay is xigtaystaan beeshan aan walaalaha nahay ee deegaanka aan wada dagno hadana dhexdayada colaada laga abuuray. Waxa ay sawirka Tulli ee dhiigaya usoo dhiganayaan iyo sababta ay uga hadlayaan waa qabyaalad wax kale ma aha.

Image may contain: text

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *