Turkiga oo Qorsheynaya in Ciidamo Cirka & kuwa Badda u diro dalka Qadar

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Turkiga ayaa qorsheynaya in uu ciidamo dheeraad ah oo xagga cirka iyo kuwa badda ah uu u  diro dalka Qadar, si ay ugu biiraan ciidamo dhinaca dhulka ah oo horay loo geeyay dalkaasi,sida uu xaqiijiyay sarkaal diblomaasi ah.

Marka loo eego heshiiskii 2014-kii ay wada saxiixeen labada dal ee Qadar iyo Turkiga ayaa ogolaanayey in ciidamo ka socda dhulka,cirka iyo kuwa badda ee Turkiga loo diri karo Qadar.

Fikret Ozer oo ah safiirka dalka Turkiga u fadhiya dalka Qadar,ayaa sheegay  madaxda Dooxa iyo Ankara in ay go’aan ka gaarayaan waqtiga la soo dirayo ciidamadaasi iyo dhismaha adeegyada ay u baahan yihiin.

Markii ugu horeysay ee ciidamo xagga dhulka ah loo diro dalka Qadar, waxay aheyd sanadkii 2015-tii,kuwaasi oo fariisimo ka dhigtay saldhigga ciidan ee Tariq Bin Ziyad

Madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyip Erdogan ayaa taageero xoogan u fidiyay madaxda dalka Qadar, kadib markii bishii Juun ee sanadkii tagay ay xiriirka diblomaasi ay u jareen Saudi Arabia, Bahrain, Imaaraadaka Carabta iyo Masar

Xukuumadda Ankara ayaa isku dayday in ay dhexdhexaadiso dhinacyada is-haya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *