Urur diimeedka Al-Saadicuun Bil xaq oo khilaaf ka dhex abuuray maamulka Puntland

Filed under: CIYAARAHA,DIINTA,Faafan,WARARKA MAANTA |

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Camey ayaa ka hadlay shir dhawaan ay ku wada qaateen magaalada Garowe Maamulka Gobolka Nugaal, Taliyaha la dagaalanka Argagixisada iyo Rag ka tirsan Ururka Al-saadicuun Bil xaq oo horey Puntand iyo dowlada federaalkuba u mamnuuceen.

Camay ayaa sheegay in Ururka AlSaadicuun Bil-xaq uu xaaraan yahay, dowladda Puntland ay ku taagan tahay siyaasadeedii hore ee mamnuucida isagoo dhaliilay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Gen Muxiyadiin oo la kulmay ururkaasi warbaahintana ka sheegay war aan dowladda mowqifkeeda aheyn.

Puntland ayuu sheegay inay tahay tii ugu horeysay ee go’aan kasoo saarta ururkaasi go’aankeedana sidii hore yahay oo ururkaasi mamnuuc ka yahay Puntland, taasina uu u cadeynayo maamulada kale ee dalka oo soo weydiiyey in Puntland go’aankii hore kaga baxday.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa maalmo ka hor sheegay inay isku afgarteen Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Puntland ka hor inta aan gacanta la isula tagin inay hor fariistaan ragga ka tirsan Ururka Al-saadicuun.

Wuxuu sheegay inay isku afgarteen raggan ka tirsan Al-saadicuun qodobo dhawr ah oo ay ugu horeeyaan inaysan ka mid ahayn Urur diimeedka Takfiir, Inaysan wax hub ah iyo arrimo lagu tuhmi karo oo la xiriira qalalaase qaabkoodu u ekaan karin, inay ka aaminsan yihiin dowlada iyo shacabkeedaba dad muslim ah oo aysan gaalaysiin karin iyo qodobo kale oo dhawr ah.

Ururkan ayaa iska fogeeyey eedeymo loo jeediyey oo ay ka mid ahaayeen iney iney yihiin takfiir gaaleysiiya dadka muslimiinta, waxayna eedeymahaas ku tilmaameen kuwo been abuur ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *