Video:-Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay fadeexadii lagu sheegay in ay walaalkeed soo guursatay 2009

Filed under: Faafan,WARARKA MAANTA |

Video:-Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay fadeexadii lagu sheegay in ay walaalkeed soo guursatay 2009

ilhaan omar haaf

 

 (FAAFANNEWS)…llo xog-ogaal ah  ayaa sheegaya in arrintan ku aadan fadeexaynta Ilhaan Cumar  uu ka danbeeyo Cabdi Warsame oo ah Soomaali ka tirsan golaha magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota,Cabdi ayaa si aad ah uga soo horjeeda tartanka Ilhaan.
Cabdi Warsame ayaa la sheegay inuu doonayey inuu kursiga Ilhaan u tartamo doorashada dhaceysa bisha November ee Ilhaan ay u taagan tahay maahee doorashada ku xigta oo dhaceysa sanadda 2018.

Cabdi Warsame oo sida Ilhaan oo kale isna ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa la sheegay inuu heshiis la galay Phyllis Khan oo ah haweeneyda Ilhaan ay ka adkaatay. Heshiiska ayaa dhigayey in Cabdi uu taageero Phyllis doorashadan, kadibna ay kursiga u baneyso doorashada xigta ee 2018-ka.

Hadaba fadeexadan oo ay warbaahinta Maraykanku ka hadashay,waxaa markii danbe war qoraal ah kasoo saartay musharaxad Ilhaan Omar,qoraalka Ilhaan ay jawaabta uga dhigtay eedayntaas  ayaad ka akhrisan kartaan hoos,sidoo kale waxaad hoos ka daawan kartaan muuqaalka Tv-ga caalamiga ah ee Fox News uu kaga  hadlay fadeexayntaas.

 

Halkan ka Daawo muuqaalka 

English:-

A number of baseless rumors have been made recently about my personal life and family. I will say it again here: they are absolutely false and ridiculous.

That said, I will offer clarity and share a difficult part of my personal history that I did not consider relevant in the context of a political campaign, so that we can put these rumors to rest and return to what really matters: how we join together to build a more prosperous and equitable district and state.

In 2002, when I was 19 years old, Ahmed Hirsi (whose name before he received citizenship was Ahmed Aden), the father of my children and love of my life, and I, applied for a marriage license, but we never finalized the application and thus were never legally married. In 2008, we decided to end our relationship in our faith tradition after reaching an impasse in our life together.

I entered into a relationship with a British citizen, Ahmed Nur Said Elmi, and married him legally in 2009. Our relationship ended in 2011 and we divorced in our faith tradition. After that, he moved home to England. I have yet to legally divorce Ahmed Nur Said Elmi, but am in the process of doing so. Insinuations that Ahmed Nur Said Elmi is my brother are absurd and offensive.

Since 2011, I am happy to say that I have reconciled with Ahmed Hirsi, we have married in our faith tradition and are raising our family together. Like all families, we have had our ups and downs but we are proud to have come through it together.

I appreciate the countless messages of support I have received from the people of 60B and beyond who understand how difficult and deeply personal this has been for my family and especially my children. I remain honored to be a part of a campaign that is uniting the diverse voices of our district – long term residents, East African immigrants and students.

 

 

Halkan ka akhriso qoraalka oo somaliya:-

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah uu sharaxan inay ka mid noqoto aqalka wakiilada gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sharaxaad ka bixisay eedeymo ku saabsan qiyaamo xagga guurka ah oo ay sameysay.

Ilhaan oo lagu eedeeyey inay walaalkeeda dalka Mareykanka ku keentay inuu yahay ninkeeda xilli ay qabtay ninka hadda qaba ee ay ilmaha u dhashay ayaa sharaxday sida ay u dhaceen labada guur ee la isku hayo.

Ilhaan waxay qirtay inay jiraan labada guur, waxayse beenisay inay guursatay walaalkeeda si ay Mareykanka u keento. Bayaan ay soo saartay ayaa u qornaa sidan:‐

“Sanaddii 2002, aniga oo 19 jir ah ayaa waxaan is guursanay Axmed Xirsi, oo inta uusan noqon muwaadin Mareykanah loo yaqaanay Axmed Aadan, kaasi oo ah ilmaheyga aabahood iyo jaceylkeyga. Waxaan codsanay shahaado nikaax, balse ma aynan helin, sida darteedna guurkeena sharci ma ahayn marka loo eego sharciga Mareykanka, balse wuxuu ku saleysnaa xagga dhaqanka Islaamka. Sanaddii 2008, ayaan go’aansanay inaan kala tagno, markii xaalkeena xumaaday, si waafaqsan diinta.

Kadib waxaan xiriir la yeeshay muwaadin Briĕsh ah oo lagu magacaabo Axmed Nuur Saciid Cilmi, waxaana is guursanay sanaddii 2009. Xiriirkeena wuxuu dhamaaday 2011 waana kala tagnay si waafaqsan diinteena. Kadib wuxuu ku laabtay dalkiisa UK.

Laakin marka loo eego sharciga Mareykanka isagaa weli igu xiran, waxaana wadaa inaan iska furo. Wararka ah in Axmed Nuur uu yahay walaalkee waa been iyo aflagaado. Wixii ka dambeeyey 2011 illaa iyo hadda waxana dib u heshiinay ninkeygii hore Axmed Xirsi oo aan dib isugu guursanay diinteena, haddana aan wada korsaneyno ilmaheena

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *