waa kuma PM cusub eey yeelan doonto dowlada Ethiopia

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Sida sharciga ama dastuurka dalka ethiopia dhigayo waxaa weeye in uu pm ku xigeenka wadanku xilka la wareego loona dhaariyo si ku meel.gaadha inta doorashada laga gaadhayo

Hadaba ku xigeenka pm damaqe mukanan labo sababood ayuusan midna jagadaas u tagi karin 1 waa in uu islaam yahay 2 kana so jeedo qoomiyada axmaarada labadan qodob ayaan midna midna hada xaalada jirta wax ka.qaban karin

Dhanka kale xisbiga talada wadanka hayo ee Eprdf bari oo Jimco  yeelan doono shir u gooni ah waxaana laga yaabaa inay halkaa ku doortaan  Raysal wasaare ku meelgaadh ah.
Dad badan oo u dhuun duloola siyaasada Ethiopia ayaa waxay saadaalinayaan in la dooran doono shaqsi ka soo jeedo qowmiyada Oromada oo ah kuwa ugu tirada badan wadanka  xiliyadaan danbana la soo baxay awood siyaasadeed oo eey ku mideysan yihiin .

Si kastaba ha ahaatee waxaa mesha ka baxaya maamulada shacabka ku tacadiyay oo midka deegaanka soomaalidu koow ka yahay sharcigan waxaa la hor keeni doona dad badan oo xad gudub ka sameeyay deegaanaa soomalida oromada axmaarada iwm

Warar kalane waxay sheegayn in uu u diyaarsan yahay ninka pm is caslay badalaya xisbiga talada haya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *