waanu ka xunahay iyo tacsi xal uma noqonayso dhiiga shacabka moyaale hiil bey nooga baahan yihiin

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Sidey ii sheegeen dad Mooyaale xilligan ku sugan, saaki sadex saac ama sagaalki subaxnimo ayaa dagaal culus lagaga soo qaaday dhanka Maamulka Dariska ah.

Dagaalka wuxuu socday illaa gabbalku ka dhacay, maadaamaa dagaalka dhanka Somalida ka soo hor jeeda aay baasuko ku dagaallamayeen, wuxuu wax ku laayey xaafado fog fog oo dumar iyo caruurba joogeen.

Baasukaha ayaa gubayey xaafadaha Somalida, iyadoo la arkayey xaafado wada qiiqaya. Geerida dhanka Somalida waxaa la xaqiijiyey 15qof caruurna ku jiraan, dhaawaca 60qof kor wuu u dhaafi.

Dhibaatada ugu wayn ee ummaddaas haysata waa waddo la’aan dhaawaca daawo la’aan ayeey u dhimanayaan, dadka kuwii noolaa raashiin ma haystaan oo go’doon ayeey ku jiraan illeen gobolka waddo Deegaanka intiisa kale kaga timaadda ma jirto.

Bangigii ganacsiga wuu cuna qabateeyey oo wuu ka xirtay accountiyadi in muddo ahba.

Waxaa kalo ooy ii sheegeen in dagaalka berri ka darnaan doono, maadaamaa qolada kale gurmad illaa Shaashammanne ooga soo baxay maanta galabtana uu soo galayo Mooyaale.

Dadka dagaalka ku jira waxay ii sheegeen dhanka kale ineey yihiin ciidan taba baran hub culusna haysta oo baasuka iyo hub kale iskugu jira.

Waxay ku cataabayaan ineysan garaneynin sababta loo laaynayo maadaamaa nabadna lasaxiixeen maamulka Oromia. kImage may contain: text

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *