Wadanka kaliyah ee Yurub ku yaal oo R/ Wasaare Cunsuri ah uu xukumo & Sida Qaxootiga loo galo+Wax ka ogow…

Filed under: Faafan,WARARKA MAANTA |

Daawo: Wadanka kaliyah ee Yurub ku yaal oo R/ Wasaare Cunsuri ah uu xukumo & Sida Qaxootiga loo galo+Wax ka ogow…

FAAFANNEWS Mid ka mid ah wadamada ku yaal Qaarada Yurub ayaa waxaa loo aqoonsaday dalka kaliyah ee uu xukumo Xisbi Cunsuri ah iyo Raisul Wasaare mayal adag kaas oo ka yaabsaday Qaxootiga wadamo fara badan oo dalkaas sii dhex mari lahaa.
Viktor Orban waa Raisul wasaaraha dalka Hungary wuxuuna ka socdaa xisbiga Cunsuriyiinta ee lagu magacaabo (Fidesz) waana Raisul wasaarihii ugu horeeyay ee xukumo dal ku yaala Qaarada Yurub isaga oo diidan awaamiirta Midawga Yurub.
Mr.Viktor Orban ayaa silig iyo Koranto ku xiray guud ahaan xuduudaha dalka Hungary uu la leeyahay wadamada kale ee Qaarada Yurub waxuuna diiday Raisul wasaarahaan mayalka adag in dalkiisa dib loogu soo celiyo Qaxooti faro laga qaaday oo wadamo kale oo Yurub ah iska dhiibay .
Masuulkaan ayaa lagu eedeeyay in uu ka inkaarsaday Qaxooti fara badan oo ka soo kala jeeda wadamada Colaaduhu ka taagan yihiin sida Siiriya , Ciraaq ,afqaanistaan iyo somali
Viktor Orban wadamada kale ee Yurub kula taliyay inay iyagana Silig Maaso ama Koranto ah ku xirtaan xuduudahooda si Qaxooti loo kala yareeyo, waxa uuna marar badan ka dhawaajiyay hadalo naceyb ahoo ku aadan dadka qaxootiga ah.

suri_1 suri_2 suri_3 suri_4 suri_5 suri_6 suri_7 fsuri_8

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *