Wafdi ka socda dowladda oo gaaray Hobyo

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Magaalo xeebeedka Hobyo ee maamulka Galmudug ayaa goordhow waxaa gaaray wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiiradda gaaray ayaa waxaa ka mid ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekeddaha dowladda Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Guddiga dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Sababta ay u tageen Magaalada Hobyo ayaa waxaa lagu sheegay in tahay sidii loo dardargelin lahaa Dhismaha dekedda Magaalada Hobyo oo dhawaan Madaxweyne Farmaajo uu dhagax dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *