Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaliya oo Ku Wajahan Hindiya+ujeedka

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Wafdi uu Hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda federaalka Soomaliya Mudane  Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta ka dhoofaya magaalada Muqdisho,waxayna ku wajahan yihiin dalka Hindiya.

Ujeedka wafdigaan ayaa lagu sheegay sidii ay ula kulmi lahaayeen madaxda dalka Hindiya iyagoo kala hadlaya arrimaha maxaabista iyo sidii loo soo deyn lahaa,waxayna booqashadooda ay qaadan doontaa muddo 5-cisho ah.

Marka hore wafdiga ka Socda Xukuumadda Soomaliya  waxa ay booqan doonaan magaalada Mombay,2-da bisha August waxa ay tagi  doonaan Magaalada Hyderabad.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaliya Yuusuf Garaad  ayaa la kulmi doona dhigiisa dalka Hindiya Sushma Swaraj, wuxuuna kala hadli doonaa arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin; maxaabiista Soomaaliyeed ee sannadaha badan ku xiran xabsiyada dalkaas, Sidoo kale kulanka Labada wasiir ayaa la sheegay in lagu kala saxiixan  doono heshiis dib loogu celinayo maxaabiista Soomaaliyeed.

Arintaaan ayaa kusoo beegmaysa xili sanadkii aynu soo dhaafnay Dowladda Soomaliya ay Dowladda Hindiya ku wareejisay Maxaabis lagu qiyaasay 10-ruux kuwaas oo laga soo furtay kooxaha Burcad badeeda Soomalida, waana sababta dowladda Hindiya ay haatan u ogolaatay in ay soo wareejiyo Maxaabista Soomaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *