War Deg Deg ah !!!!!

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Caawa iyo Axmaara kilil Bahardar !!!!!!

Xisbiga ANDM oo ah xisbiga Axmaarada ayaa xilkii gudoomiye nimo ka qaaday Reysalwasaare kuxigeenka Ethiopia
#Damake_Mukanen_Husein waxaana lagu badalay Dr. Tilahun oo ah wasiirka waxbarashada Ethiopia , sidaasi waxaa Gudoomiyaha ANDM Iyo Reysalwasaare kuxigeen ahna Gudoomiye ku xigeenka EPRDF ku noqonaya Dr. Tilahun oo cod buuxda ay ugu soo Ansixiyeen xisbiga ANDM Party
Maadaama uu Damake mukanen EPRDF ku matalayay Qoondada Amhara Kililka

Sidoo kale Xisbiga ANDM ayaa Xilka Reysalwasaare iyo kam Gudoomiye nimo ku sharfay kililka Oromia Cod buuxa

Damake mukanen wuxuu marar badan Difaacay Cabdi iley taas ayaana sababtay in xisbiga ANDM party shir Deg Deg ah ka yeeshaan , waxaana la sheegayaa in Damake mukanen Goobjoog u ahayn xilka qaadistiisii wuxuuna ku sugnaa Adis

sidoo kale Demake mukanen Husein waa nin Islaam ah sababna way u noqon kartaa xil ka qaadidiisa , halkaasi waxaa islaamka Ethiopia kasoo wajahaysa Culeys siyaasadeed iyagoo sanadihii hore kasoo kabanayay xuquuq la aanta heer Faderaal ka haaysata maadaama aysan horey usoo yeelan darajadan oo kale

Isbadalka Siyaasadeed iyo tan maamul ee Dalka Ethiopia ayaa Dalka kusii fidaysa iyadoo kililadii dalkuna bilaabeen siib siibida xubnihii sarsare ee dalka iyo kuwii deegaanadda

Hadaba maxaa inala gudboon inaga reeer DDSI ma in aynu isbadalka ka hadhnaa mise inaynu ka qayb noqono , hadii kale waxaynu noqoneynaa sidii 1991 dii kala guurka

Shacabka iyo eiyaasiyiintu haka taliyaan aayaha deegaanka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *