Warar Kasoo Baxaya Diyaarado Duqayn Qorshaysan Ka Gaystay Magaalada Jilib Iyo Khasaaro Ka Dhashay Duqayntaasi

Filed under: Faafan,WARARKA MAANTA |
10/08/2016 (FAAFANNEWS) Wararka inaga soo gaadhaya degmada Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xalay ay halkaasi ka dhacday duqeyn dhanka cirka oo ilaa iyo hada aan la ogeyn cida fulisay duqeyntaasi.
droWarar ay  heleyso FAAFANNEWS ayaa waxa ay sheegaya in ciidan dalka Mareykanka u dhashay ay diyaaradahaasi wateen.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in xalay ay duqeyntaasi jirtay oo kontoroolka magaalada laga soo galo Al-shabaab ku sugnaa iyo guryo saraakiishoodu degan yihiin lagu duqeeyay khasaarana uu jiro.
Sarkaal ka tirsan dhanka maamulka Jubbaland ayaa dhankiisa xaqiijiyay in ciidanka ay dagaal la galeen ururka Al-shabaab.
Majirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Mareykanka oo ku aadan in ay duqeyntaasi geysteen oo ay khasaare gaadhsiiyeen Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Alshabaab wali kama hadlin khasaaraha kasoo gaadhay duqaynta Maraykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *