Warar ku saabsan Xiisad ka taagan Buuhoodle

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer oo xarun u ah maamulka Khaatuma ayaa waxa ay sheegayaan masuuliyiinta maamulka Khaatuma ugu sareysa in khilaaf uu soo kala dhexgalay.

Magaalada Buuhoodle isla shalay waxaa ka dhacay laba kulan oo Baarlamaan oo iska soo horjeeda, kuwaas oo dhinac kasta uu sheegay in masuuliyiinta Khaatuma uu xilka ka qaaday.

Kulankii ugu horeeyay ee ka dhacay magaalada Buuhoodle waxaa Baarlamaanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamuud Sheekh Cumar ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulka Khaautuma Cabdulle Maxamuud Haybe (Cagalule) oo ay sheegeen in uu wado falal uu ku dhabar jabinayo masuuliyiinta maamulka Khauutuma iyo in uu is hor istaag uu ku sameeyo heshiisyada ay wada saxiixdeen maamulada Khaatuma iyo Somaliland.

 Isla shalay waxaa daqiiqado kadib kulan yeeshay garab kale oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Khaatuma oo iyana sheegay in ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Khaatuma Cali Khaliif Galeyr iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana arrintaasi ay dhalisay xiisad siyaasadeed.

Magaalada Buuhoodle hada waxaa ku wada sugan masuuliyiinta maamulka Khaatuma sida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Khaatuma oo isku dhinac ah iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.

Labada dhinac ayaa wata Ciidamo aad u hubeysan, iyada oo Madaxweyne ku xigeenka Ciidamadiisa ay wataan xubno Wasiiro ah oo ka biyo diidsan heshiiska masuuliyiinta ugu sareysa Khaatuma ay la galeen maamulka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka la sheegay in xilka laga qaaday Cabdulle Maxamuud Haybe (Cagalule) oo la hadlay Risaala ayaa waxa uu sheegay xiisada in ay ka taagan Buuhoodle, hase ahaatee lagu kala baxayo sharciga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *