XASAASI JIGJIGA OO AXMAARO LAGUWAREEJIYAY

Filed under: WARARKA MAANTA |

Waxaa magaalada jigjiga ka bilaamaysa dood hoos usocota oo ay isla dhexmarayaan shacabka kudhaqan magaaladu.

kadib kolkii uu Màayarka magaaladu kudhawaaqay in uu mamulka xaafada 6aad ee magaalada jigjiga kuwareejinayo una dhisayo qoomiyada axmaarada, oo iyagu ah Dadka ugu badan ee daga xaafadaas.

Hadaba arintan ayaa hurinkarta colaad markale ka curata magaalada iyo deegaankaba. Dawlada ayaa u aragta in ay raaligalinta qoomiyadaha itoobiya ee jigjiga kunooli tahay waajib. Xaga ay shacabkuna Kabiyo diidanyihiin fikirkaas.

xaaladani waxay kamid tahay kacdoomada siyaasadeed ee uu horseeday isbadalkii kadhacay deegaanku lamana saadaalin karo meel ay kudanbaynayaan xiisadaha kataagan deegaanka iyo dalkaba.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *