Wararkii ugu dambeeyey Shirarka Madasha Wadatashiga ee Muqdisho ka socda

Filed under: WARARKA MAANTA |

MUQDISHOW (FAAFAN NEWS)

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wada hadaladii ka socday magaalada Muqdisho, una dhaxeeyey Beesha Caalama Madaxda Soomaalida ilaa hadda aan waxba heshiis ah laga gaarin.

Hogaamiyaasha Soomaalida badankoodu waxay isku raaceen in doorashada mudo labo bilood ah dib loo dhigo, taas oo ku asteysan hanaanka doorashada oo dhameystiran.

Laakiin Beesha Caalamka wey diiday qorshaha Soomaalida, iyadoo sheegtay in la gaaray waqtigii doorashada oo aysana suuragal aheyn in mudo dheeraad ah dib loo qaato.

Ilaa hadda Shirar xasaasi ah ayaa socda go’aan rasmina ahna lama gaarin, waxaase suuragal ah in goor dhaw ay soo baxaan go’aamada ku saleysan doorashada.

FAAFANNEWS.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *