WARBIXIN:- Maxaa Iska Badalaya Awooda Ururka Al-shabaab Kadib Isa Soo Dhiibistii Roobow?

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur oo kamid ah Baarlamaanka Soomaliya ayaa sheegay in isa soo dhiibistii ku-xigeenkii Hogaamiyaha Hore Al-shabaab Muqtaar Roobow Cali(Abuu Mansuur),ay tahay mida kaliya ee haatan sababi karta burbur ku yimaada dagaalyahanada Al-shabaab oo haatan ku sugan  meelo kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.

Isagoo la hadlayay Warbaahinta ayuu sheegay in Sheikh Muqtaar Roobow uu yahay Maskaxdii ka dambeysay in la aas-aaso maleeshiyaadka Al-shabaab islamarkaana uu haatan yahay midka kaliyah ee dhabar jabin kara Madaxda Al-shabaab.

“Saameyn badan ayay ku yeelan doontaa Al-shabaab isa soo dhiibistii Shiikh muqtaar roobow Abuu mansuur,Roobow waxa uu kamid ahaa ragii aas-asaay Al-shabaab waxa uu awood badan ku lahaa Gobolada uu kasoo jeeday, waxaa muhiim ah in uu ka qeyb qaato dagaalka lagula jiro dagaalyahanada Ururka  Al-shaabab Dowladana uu al shaqeeyo”, Waxaa sidaas Yiri Xasan Cabdi Nuur.

Muqtaar Roobow ayaa shalay isu soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaliya kadib markii uu soo gaaray magaalada Xudur ee Gobolka bakool,wuuxuna haatan ku sugan yahay magaladdda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) afhayeenkii hore ee Al-shabaab iyo ciidamo isaga daacad u ah ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kula dagaalamyay deegaanka Abal Ciidamo ka Tirsan Al-shabaab.

Tan iyo markii dowladda Mareykanka ay shaacisay in ka qaaday xayiraadii lacageed ee saarneyd Abuu Mansuur waxaa kordhay cadaadiska uu kala kulmayo Al-Shabaab.

Abuu Mansuur oo sanadkii 2013 ka tagay Al-shabaab ayaa ku sugnaa deegaanada uu ka soo jeeda ee Bay iyo Bakool, halkaasoo uu ku dhuumaaleysan jiray kuna haystay Ciidamo fara badan oo ay isku hayb yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *