WAREYSI: Cabsi soo wajahday Haweenka ku Dhaqan Dagmada Marka iyo baaq ay u direen Dowladda..

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Mid ka mid ah Ehelada Haweney habeen ka hor kufsi iyo dil loogu geestay Magaalada mark ee Xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka hadashay dhacdooyinka noocaan  oo kale ah oo horay  uga dhacay Magaalada.

Waxa ay tilmaantay in arrintan ay tahay mid soo lab laabatay,isla markana horay haween farabadan kufsi iyo dil loo geestay, iyadaha oo loogu soo gambanayo hab qabiil sida ay hadalka u digtay.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Koonfur Galbeed Soomaaliya in arrintaas ay wax ka qabtaan,isla markaana ay dabagal ku sameeyaan dhibaatadii loo geestay Gabadhaas.

Dhacdooyinka ka dhaca Shabeellaha Hoose gaar ahaan Magaalada Marka ayaa ah kuwo soo lab laabtay,waxaana taasi sida la sheegay sabab u ah dgaal beeleedyada daba dheeraaday ee ka socda Magaalada Marka iyo tuulooyinka hoostaga.

Dowladdihii dalka Soomaray kuma guuleeysan in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka jira Shabeellaha Hoose,kuwas oo u badan dagaal beeleedyo, inkastoo masuul kastaa uu balan qaadayay in uu wax ka qaban doono.

Horay ayaa waxaa u dhacay dagaalo sababay in Guryo iyo waliba dad nool la gubo balse aan jirin cid ilaa iyo hadda wax ka qabatay.

Hoos Ka Dhageyso wareysiga Haweeneydaas

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *