Weerar Lagu Qaaday Masjid Ay Soomali Maamusho +Sawirro

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARK,WARARKA MAANTA |

Kooxo Hubeysan ayaa bambo Gacmeed waxa ay ku weerareen Masjidka Darul Faruq oo ku yaalla magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota, islamarkaana kamid ah masaajida ay gacanta ku hayaan dadka Soomalida ah.

Sida ay sheegeen dadkii ku sugnaa Masjidka Waxaa Bamkan lala eegtay xafiiska ama xarunta Sheekh Waliid oo ah Imaamka masjidka, hasse ahaatee lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay.

Booliska Magaaladda ayaa wali baaritaano wada, lamana oga cida sida rasmiga ah ugu dambeysay falkaan.

Weerarada salka ku haya islaam naceybka ayaa ku sii kordhayey dalka maraykanka tan iyo markii xilka Madaxweynaha dalkaas loo doortay Donald Trump.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *