XAALADA DEG-DEG AH EE ITOOBIYA LAGU SOO ROGAY MA DEEGANKA SOOMALIDA KALIYEY KA HIRGASHAY?

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Saraakiisha Itoobiya ayaa maalintii shalay sheegay in dalka la galiyay xaalad deg-deg ah, taas oo macnaheedu yahay ciidanka ammaanku in uu sameyn karo wax walba, wakhti banaanbaxayaasha dawladda diidan ay sii laba-jibaareen kacdoonkoodii.

Dhanka kale madaxweynaha oromiya ato lama magersa aya maanta si cad uga soo horjeedsaday xukunkii degdega ahaa ee dawlada federalku ku so rogtay dalka maalinta shalay ahayd oo tarikhu ku beegnayd 16/2/2018.
ato lemma aya si cad u sheegay in xukunkaas uuna u hogaansamayn oo ismaamulka oromiya ka dhaqan galayn wuxuna xubnaha baarlamanka federalka u sheegay in ayna ansixin sharcigas xukunka dagdaga ah.
ato lemma oo sii hadlayay aya yidhi maanta ethiopia loogana baahna xukun deg deg ah
ee waxa loo baahan yahay in la isu soo dhaweeyo shacabka dalka iyo in ooda laga qaado maxaabista jeelasha dawlada ku jirta.

Siyaasiyiintii Oromo-da iyo Axmaarta ee kacdoonka bilaabay badankood xabsiyaddii ay ku jireen waa laga sii daayay waxa ayna mar kale majaraha u qabteen kacdoon ka dhan ah Taliska Tigray-ga, taas oo ku qasabtay in uu mar kale miciinbido xaalad deg-deg ah oo dalka la galiyo.

Waxaase wax lala yaabo ah dhanka Soomalida oo wax mudaharaad ah ka socon in maanta kaligii taliye Abdi iley uu ku soo rogo xaalad deg-deg ah taas oo ay ,macnaheeda ka dhigan tahay iska dhaadhicin saraakiisha tigrega ah iyo naxariis daradii uu awalba ku hayay shacab uu sii laba jibaaray .

waxaa maanta loo bahan yahay dhamaan shacabka Soomalida Itoobiya ee gudihii wadanka jooga inay kacdoon bilaabaan magaalo walba eey is abaabusho iskana qabtaan dhiigya cabkaan ILLAAHAY aan ka baqaynin afduubkana ku heysta shacab 7 milyan ah waa ayaan daro in arimahaan oo kale l;aga sii aamusnaado

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *