Xasuuqa dadkayga iyo Xoolahaa aad dhac-deen Xisaab baa ka dambayne Xamil waranka markaaga.

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Dhaca iyo boobka hantida shacabka oo sii laba kordhaya

Xaafada ama qabalaha todobaad ee magaaalada jigjiga , xafiiskii Xaafada oo ay la wareegeen Ina adan waris iyo Ina laba go’le. Sidoo kale waxay la wareegeen guryo badan oo kale oo Xaafada ka mid ah

Sawirada hoose fiiriya waa guryaha ay la wareegeen qaar ka mid ah oo babuurtoodu hor taagan tahay.

Inay Dhulkii Dawlada U isticmaalaan Sidii bootooyin Ay Leeyihiin Maalin Kastana Ay Shacab masaakiina Barakiciyaaan Oo Ay Dhahaan Dan Guud baan Dhisaynaa;Tusaale Ahaan Meesha Loo Bixiyay Dulqabow. Sidooni Ha udhacdo Shacabka haba Labarakiciyo Haddii Ay Noqon Lahayd Hanti Dawladeed Waxba Ma Ahaateen Oo Si Umbaa Looga Samiri Lahaa Lakiin Waxaad Wada Ogtihiin In Loo Qaybiyay Jufada hoose ee Cabdi ilay (Cabdi Booli Qaran Iyo Shakhsiyaad Yar Oo Kale.

Taasina Waxay Noqotay In shacab Masaakiina Inta labarakiciyo Rag Hantidii Dawlada Ka Dhargay oo Ina Ilay jufadiisa Ah Looga Dhiso Guryo Qurux badan Oo Ay Ku Raaxaystaan Masaakiintii lahaydna Lagu Barakiciyo Jeelka Dhexe Xaataa Aan Dhicii Lagu nabad Galin.

Hadda Sawirada Hois Idiinka Muuqda Waa Xaruntii Qabalaha 07 Ama Sh. Nur isse Waa Lawada Yaqaan Oo Waxaa Qeybsaday ilmo Labo’Gole Xaga Ka Horeysa Waxaa dagan ina aadan waris Oo Haddana Guryo Cusb ka bilaabay Oo Qaarkood Farmasiyo Ka Dhigtay Hadda Markii Dhakhtarka La Furay Waana Hantidii Dawlada oo Lagu Dhisanayo Dhulkii Shacabka Cadaalada Waxa ay Uyaqaanaan Wataa Haddaba

Intii u bilowday kacdoonka dulmi diidna waxay si aan ka gabasho lahayn u boobayaan shacabka iyo hantida dadka. Waxay xidh xidhayaan ganacsiyada waliba iyagoo isir beegsi samaynaya.

Guumaysigii dergida ku ka daran bay shacabkii galiyeen. Laakiin waxayna ogayn in ilaaahay shacabka u soo diray dulmi diid , ka saari doona guumaysiga booli qaran, ee eexda iyo nin jeclaysiga iyo qabyaalada ku caan baxday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *