Xildhibaan ka horyimid Xasaanad ka qaadid lagu sameeyay

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan oo ka mid ah Baarlamaanka maamulka Jubbaland oo shalay Guddoonka Baarlamaanka maamulka Jubbaland ay sheegeen in ay ka qaadeen Xasaanadda ayaa ka horyimid arintaasi.

Waxaa uu sheegay in Eedaha lasoo jeediyay ay yihiin kuwo been abuur ah.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in ay tahay Sharci daro arinta ay sameeyeen Baarlamaanka maamulka Jubbaland, islamarkaana ay jabiyeen Sharciga u degsan Baarlamaanka Jubbaland.

Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan ayaa xusay in uu sii mid ahaan doono Xildhibaanada Jubbaland, islamarkaana waxa lagu sameeyay ay kasoo horjeeddaan Sharciga.

Maamulka Jubbaland ayaa horay Xasaanadda kaga qaaday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo lagu eedeeyay in ay hareermareen Sharciga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *