XOG: Axmed Madoobe Iyo Mukhtaar Roobow Oo Hal Arrin Ku Heshiiyey (MAXEY TAHAY)

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo sidoo kale wadaadka kasoo baxsaday Al-shabaab Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa Hal arrin oo muhiim ah ku heshiiyey.

Xogta ayaa sheegeysa in Labadan wadaad isku fahmeen in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab, islamarkaana ay weeraraan meel walbo oo Al-shabaab ku dhuumaleeysanayan.

Axmed Madoobe ayaa u ballanqaaday Roobow inuu ka saacido wax walbo oo u baahdo sida ciidamada iyo hubka.

Waxyaabaha la isku fahmay ayaa ah in la mideeyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee Koonfur galbeed iy sidoo kale Maamulka Jubbaland.

Labadan wadaad waxay horey uga wada tirsanaayeen maleeshiyada Al-shabaab, waxaana ay haatan isla qireen in Al-shabaab wadada ay ku socoto tahay mid aad u qaldan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *