XOG: Siyaasi Salaad Cali Jeelle Oo Iska Diiday Xil Muhiim Ah Oo Loo Magacaabi Lahaa

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa ka cudur daartay xilk muhiim ah oo looga magacaabi lahaa dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Salaad ayaa naloo sheegay inuu iska diiday xilka ah ku xigeenka wasaaradda amniga oo dhowaan isbedal weyn lagu sameyn lahaa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta uu arrintaasi ku diidday, waxaana jira wararka qaar oo sheegaya in arrintan la xiriirto arrin beel oo beesha Abgaal ay ka dalbatay inaanu arrintaasi aqbalin.

Salaad Cali Jeelle aya saaxiib dhow la ah madaxweyne Farmaajo, waxaana laga yaabaa in xil kale oo weyn oo isaga iyo beeshiisaba ku qancaan loo magacaabo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *