XORIYAD KUMA TIMAADO CAYAAR CAYAAR DHIIG BAA LOO DAADIYAA

Filed under: WARARKA MAANTA |

Halkani afkaanistaana ma ah Ciraaqna ma ah Soomaliyana ma ah waa Itoobiya iyo maanta ooy tariikhdu tahay 13/2/ 2018 gaar ahaan gobalka oromiya waxaase is waydiin mudan BBCsomali iyo voasomali somaliya haday ri ri hardido way soo tabiyaane maxaa wararka itoobiya ku diray in ay tabiyaan.

waxaa maalintii labaad galay mudaharaadki ay oromadu waday.
mudaharaadka ayaa oromadu waxay kaga codsanaysay dawlada federalka
1.in loo sii daayo maxabista siyasinta oromada ee u xidhan dawlada iyo
2. in dawlada federalku maxkamad hor keento kuwii shacabka oromada ah soo barakiciyay.

hadaba labadan qodob ee ay shacabka oromadu ku baaqayeen in lo hirgaliyo aya waxaa hirgalay oo ay dawlada federalku fulisay midkii ku saabsana dhanka maxabista oo waxay maanta sii daysay siyaasintii oromo ugu waawaynaa dawlada federalka u xidhnaa waxana ka mid ah shaqsiyadka maanta ooda dawlada federalku ka qaaday :-

1.Bekelle Gerba
2.Dajane Xafa
3.Gurmessa Ayyanoo
4. Addisuu Bullalla iyo shan kale oo ka mid aha dadka dawlada u xidhnaa.

dhanka kale waxa mudaharaadwadayasha oromadu ka war sugayaan dawlada sida ay u fulin lahayd qodobka labaad ee ay oromo dalbanayso oo ah in maxkamad la soo saaro kuwii so barakiciyay nus malyunka oromada ahaa.

mudaharaadka oo ku ekaa 3 cisho aya bari so gabagaboobaya inkasto hadii qodobkaas labaad loo fulin waayo ay ku dhawaaqeen weerar naf hurnimo oo lagu qaadi doono xulumada addis ababa fadhida.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *