XORIYADA FIKIRKA IYO ARAGTIDA ( Free OF expression )

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Sida aynu la socono aduunku waa isbadalaa , aduunyadan danbe ee casriga ah waxaynu ka haqab beelnay inaynu si dhib yar isku waydaarsano afkaarta iyo falaqaynta had iyo jeer salka ku leh arimaha bulshada iyo horumarkooda, inagoo eebe ina waafajiyey inaynu noolaano soona gaadhno waqtigan casriga ah ee aynu haysano aaladaha kala duwan iyo barnaamijyada kala duwan ee inoo fudedeeyey inaynu wagaadno doodaha cilmiyeysan nooc kastay tahayba .

Maanta waxaan jecelahay inaan idinla wadaago maqaal yar oo kooban oo ku saabsan xoriyada iyo madaxbanaanida ra’yiga iyo hadalka , ka dib markaan darsay sababaha keenay in qaarada aynu ku noolnahay (Africa) aduunka kale dib uga hadho , dowlad ahaan , bulsho ahaan , fikir ahaan , wax soo saar ahaan dhankasta oo aynu ka eegno qaarada .

Markaan daraaseeyey sababaaas waxaad moodaaa in sababihii keenay in Africa ay dib uga hadho umadaha kale caalamka , inay qaarkood soo khafiifeen ama wadamada qaar laga gudbayba oo talaabo hore looga qaaday, bulshada Africa ku noolina fahamtay.

Waxaa kale oo isoo baxday ,sababihi keenay madowga Africa ka saran dhankasta in qaarkood wali noolyihiin nolal mugdi ah oo cabsi badan
Wax yaalaha ugu waaweyn ee la hadhay Africa guud ahaan , gaar ahaan somalia  Itoobibiya {DDSI} iyo dhamaan geeska ee wali nool ama aan laga talaabsan ee la casriyeeyey waliba waxaa ka mida ;

#Xoriyad la’aanta Rayiga iyo Madax banaanida Hadalka oo aan haba yaraatee ka shaqeyn oo aan la fahamsanaynba qiimaha xoriyadu u leedahay horumarka bulshada iyo dhismaheeda bulsho .etc.
Sida la wada ogyahay qofka bani’aadamka ah marka u uxor u yahay shakhsiyadiisa , habka uu u fikirayo ,aragtidiisa , marka uu leeyahay doorasho , wax doorankaro , wax yeeli karo , wax diidi karo ayaa la odhan karaa waa qof jira .

Bani’aadanka fikirkooda iyo ficilkooda inta la ogyahay waxa uunbaa xadeeya laba shay kaliya . marka dadka loo kala saaro islaam iyo gaal .

@Gaalka waxaa xadeeya qaanuun iyo isfaham bulsho oo ah waxay ku heshiieen (social agreement ) aan cidina cid khasbin .
@Islamka .. waxaa xadeeya waxay rumaysanyihiin waana kitaabka iyo sunnada nabiga CSW. Xoriyadu qayb weyn ka tahay .

(MEELNA KUMA TAALO IN QOF SHAKHSIYA , AMA GROUB IS BAHAYSTAY AY XADIDAAN UMADA FIKIR KEEDA IYO XORIYADA HADALKEEDA , KALIYA WAXAA XADAYN KARAA WAA LABADAAS SHAY , IYADAY KU XIDHANTAHAY KOLBA CIDA LA XADAYNAYAA AMA LAGA HADLAYAA NOOCA AY TAHAY GAAL IYO ISLAM.)

Waxaan isku dayayaa inaan si kooban u sharaxo mowduucaas anoo soo koobaya, kana jawaabaya suaalahan hoose si loo fahmo nuxurka fahamka mowduuca ?

1. Waa maxay xoriyad ? Ama madaxbanaanida rayiga maxaa looga jeedaa?. Xuduud ma leedahay ? mise waa bilaa xuduud ? Yaase xadida?.
2. Waa maxay Ra’yi? Wax waliba ra’yi ma noqdaan ? Ra’yi goorma ayaa la odhanayaa ?

Labadaas suaalood marka laga jawaabo ama si kooban loo sharaxo waxaa la fahmayaa macnaha kalimaadka kala ah XORIYAD IYO RA’YI , Ama MADAXBANAANI IYO ARAGTI .kolba erayga ay dadku ula qabsadeen dheh .

Ka dib waxaynu hadana ka jawaabaynaa laba suaalood oo kale oo halkaas ka soo dhex boodaya sidan hoose oo kale : waxaynu isku daraynaa labadii kalmadood, XORIYAD IYO RA’IYA oo soo Baxaysa ( xoriyatul ra’yi) ama madaxbanaani aragtiyeed . madaxbanaani fikir oo qofku sida uu jecelyahay u fikiro isagoo eeg eegaya bii’ada ilaahay ku uumay iyo waxa ka dhacaaya , waayo waxa la ogyahay dhacdadu inay tahay isha Aragtida ay ka timaado ama fikirku ka yimaado ,

hadaan dhacdo dhicin aragti ma timaado ama fikir ma yimaado , dhacdaduna waxay ku xidhantahay bii’ada aadamuhu kunoolyahay oo waa inay meel wax ka dhacaan jirto.
Kusii dheeraanmaayo xidhiidhkaas ka dhaxeeya arimahaas.
Labadii suaalood ee danbe waxay u dhigmayaan s idan hoose :
1. Waa maxay madaxbanaanida aragtigu ama xoriyada ra’yigu muxuu yahay ?( freedom of expression ).

2. Aduunka ma a jiraa wax la yidhaa madaxbanaani aragtiyeed ama xoriyada ra’yiga ?

mise waa la sameeyaa qaabka ay bulshooyinku u fikiraan ka dibna waa lagu tababaraa inay qaabkaas loo sameeyey ee loo qayday uun u fikiraan ?.

Waxaan rajaynayaa inaan intaas bal aragtidayda inaan soo gudbiyo ,idinla wadaago dhamaan .

Sababta aan u doortay ama usoo xushay mowduucan :

Waxaan u doortay waxaan dhadhamiyey maxsuulkii ka dhashay xoriyad la ‘aanta hadalka iyo aragtida .

Waxaan usoo xushay inay tahay sababaha keenay burburkii ummada somaliyeed ,

Waxaan u soo xushay in laga tusaalo qaato waxii ka dhacay Xamar 1991 kii

waxaan usoo xushay  inay ka faa,iideystaan madaxda hada xukunta ( DDSI)

.Waxaan rumaysnahay inay ka mid tahay caqabadaha hortaagan DOWLADA DEEGANKA SOMALIDA ITOOBIYA ilaa maalintay dhalanay ilaa maanta aanay ka jirin wax la yihaahdo madaxbanaani aragtiyeed .

waa dhib ilaa taagan .Waan ku garaadaystay , waanan ku qaan gaadhay , hada oo aan aabo ahayna waan arkaya. Sidaas awadeed waxaan jeclaystay inaan soo bandhigo .

 

XORIYADA AMA MADAXBANAANIDA ;
Xoriyadu waxa ay ka soo horjeedaa adoonsiga . Macnaheedu waxa weeye qofka oo xor u fikira, habka uu u fikirayona uu isagu doorto iyadoon lagu khasbin .

qofkaasi waa xor waxa loola jeeda qofka oo aan lalahayn qofnimadiisa, xoogiisa qofnimona sida uu isagu rabo ugu adeegta ,

fikirkiisana siduu isagu rumaysanyahay usoo bandhigi kara ,

taas ayaa loo yaqaanaa xoriyad . waa qofka oo awoodihiisa qofeed aan cidi u jaangoynayn ayaa la odhankaraa waa madaxbanaani qofeed .

 

ARAGTIDA AMA RAYYIGA:
Ra’yi ama aragti waxa loo yaqaanaa waxa qofku uu aaminsanyahay ama rumaysanyahay.

Aragti waxa la odhankaraa waxa uu qofku rumaysanyahay inay wanaaga u dhowdahay ama uu u arko inay sax tahay ama u dhow xaqiiqada ayaa la odhankaraa aragti ama ra’yi.
Aragtidu goorma ayay aragti noqotaa ?.

Wax waliba aragti maaha , tusaale , cirku inuu daruur yeesho . aragti maaha waayo waa la wada ogyahay , badu inay kacdo xiliyada qaar aragti maaha waa la wada yaqaanaa. Markaas aragti laba shardi ayay leedahay labadaas shardi hadii la waayo waa iska uun wax kugu soo dhacay oo aan fikir ka danbayn ,waayo aragtida waxa ka horeeya fikir ,

fikir hadaanu jirin aragtiyi ma soo baxdo , wax kasta oo aanad ka fikirin aragti ma noqdaan waa wax kugu soo dhaca uun ama iska sheekO.

Aaragtidu waxay aragti noqotaa marka la helo laba arimood .
#Fikir ka dib , markaad wax fiirfiirisay ee aad wax rogrogtid ka dib waxii dhasha ayaa la yidhaa aragti , ama aad wax raadiso adoo raadinaaya sidee runta u dhow ama dhacdadaas side ku haboon ama xalkeedu yahay , ama inaad waxbaadho adoo aqoon raadinaaya si aad u soo saarto aragti nololeed oo dhamays tiran.

#Aragti waxay timaadaa , marka dhacdo lagu duwanyahay oo aan laysku waafaqsanayn ,

markuu qofku mowqif ka istaago ayaa la odhanayaa waa aragti . waxii laysku hayey qofku markuu ka fikiro ama uu shiilo waxa uga soo baxaysa aragti ama mowqif cad ..

labadaas shardi waxii mara ayaa la odhankaraa waa aragti ,, waxii kale waa hadal uun ama laqwi , wax iskaga kaa soo dhacay uun iwm . waa labada wado ee ra’yigu ku yimaado.

Hadii laysku daro xoriyada ama madaxbanaanida hadalka , iyo aragtida (freedom of expression ) xoriyada ra’yiga maxay noqonaysaa ? waa suaasha aan u socdo halkay dhibku yaalo bulshadeena .

Xoriyada fikirka iyo madaxbanaanida hadalka ama xoriyada ra’yiga kolba sidaad u taqaan waxa loo qeexi karaa laba siyaabood sida hoose:

* Qofka oo xor u noqda sida uu u fikirayo , isla markaana dadka kale aanay ku khasbin inuu qaato qaraar ay iyagu rabaan si toosa ama si dadban . waxa la odhanayaa waa ra’yi madaxbanaan .
Waxa weeye inuu habka uu u fikirayo uu qofku yeesho ee aan loo samayn loona jaangoyn.

*Macnaha labaad , xoriyada ra’yiga waxa la yaqaan marka qofka aadamuhu waxa uu aaminsanyahay ee uu rumaysan yahay ee uu maskaxdiisa ka keenay ,

ka soo saaray uu cabiro ee uu sheego ee aanu qarin ,, laguna dhibin ama aanu dhib kala kulmin , waxaas uu rumaysanyahay ee uu gudbinaayo waxaa la odhanayaa waa madaxbanaani aragtiyeed ayaa jirta .

Guud ahaan sidaas ayaa loo dhigi karaa sharaxaada guud iyo macnaha kalmada .

Xoriyada aragtida ama ra’yiga waa furaha nolosha iyo horumarka bulshada , waayo dhacdo kasta oo aduunka ka dhacda aragtibay keentaa iyo kala duwanaansho fikir , kala duwanaanshahaas waxay ku xidhantahay qof kasta oo adame ah ilaahay waxa uu siiyey awood maskaxeed oo gaara ama ka duwan ka kale ,kala duwanaanshaha maskaxeed ayaa keenaya kala duwanaansho aragtiyeed .

*Hadaanay jirin madaxbanaani aragtiyeed waxaa imanaysa inaan horumar la gaadhin .
* Inaan la helin fikrado cusub oo nolosha wax u tara ,
* Inaan la helin aqoon cusub oo cilmiya .
*In dadkuba isku wada eekaadaan . nooc uunbaa la wada noqon , cid uunbaa la wada amaani , hal luqad kaliya ayay dadku wada yeelan , Si uunbaa loo wada gabyayaa. Nolosha waxa dhadhan u yeela kala duwaanshaha .

Dowladihii iTOOBIYA so maray dhibkaa wuu taagnaa  , tanba ha u sii darnaatee uu TIGREEGA  hormuudka ka yahay,

hadana ilaa maanta cashar lagama baran dhibkaas sidii umada looga dayn lahaa .
Xoriyada aragtida cida mar walba dagaalka kula jirtaa waa systemka markaas jooga ee aan ogolayn inay umadu u fikirto si xora waxna diidi karto waxnna yeeli karto .

Waa nasiib darada ilaa maanta ina haysata guud ahaan ITOOBIYA oodhan , gaar ahaan Deegaanka Somalida Itoobiya (DDSI) loona baahanyahay in umada umad laga dhigo lana kobciyo aragtidooda nololeed.

Waxaan qabaa hadii caqliga umada la xoreeyo oo ay si cad u fikiraan in umada horumar gaadhayso ,

waliba kuwa maanta loogu yeero waa Qurba joog ayaa ugu liita  , waayo  iyaga Ayaan xor u ahayn fikirkoodii , qof aan fikirkiisa xor u ahaynina umad caqligeeda ma xorayn karo .

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *