Xukuumadda Soomaliya oo u Yeertay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay soo gaaray magaaladda muqdisho kaddib markii ay u yeertay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa diyaarad qaas ah u dirtay Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Hir-shabeelle, taasoo shalay keentay magaaladda muqdisho.

Safarkan ayaa yimid, saacado kaddib markii wafdigii Wasiirada ahaa ee magaaladda Jowhar u tagay xiisada siyaasadeed ee maamulka Hirshabeelle ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho iyagoona kulamo la qaatay Raisulwasaaraha Soomaliya.

Sheekh Cusmaan Barre   ayaa dalab culus u gudbiyay wasiirada, kuna wargeliyay hadii aysan Xukuumadda taageerin is bedelkan, sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo dooranayaan Madaxweyne, maadaama aqlabiyada ugu badan ee Baarlamaanka uu isku raacay xil ka qaadistii Cali Osoble.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xasan Cali Kheyre uu u yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, si la tashi ula sameeyo, gaar ahaan arrinta xiisada siyaasadeed ee Hirshabeelle iyo xil ka qaadistii lagu sameeyay Cali Cosoble.

Madaxweynaha xilka laga qaaday Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku sugan magaalada Jowhar, isagoo diidan xil ka qaadista, waxaana uu si kulul Xukuumadda Kheyre ugu eedeeyay inay ku lug laheyd qorshihii xilka looga qaaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *