Yariisow:-“Labo Qarax, ayaa Muqdisho Ka Dhacay Amniga Waa Sugan Yahay”!

Filed under: dhacdooyinka,English News,Faafan,WARARKA MAANTA |

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaliya Eng C/raxmaan Cumar Osmaan (Yariisow)  oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya ay ku guuleysatay in ay xaqiijiso Amniga Magaalada.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Xasilinta caasimadda ay habeen iyo maalin ay u taagan yihiin wadooyinka sidii shacabka Soomaliyeed ay amni u  heli laaheeyn wuxuuna hadalkiisa daray in mudooyinka soo socda Magaalada ay noqon doonto mid amnigeeda la isku haleeyo.

“Dowladda Soomaliya waxay ku guuleysatay in ay xaqiijiso amniga magaalada muqdisho, waxaa yaraaday dilalkii iyo qaraxyadii ay Al-shabaab  ka geysan jireen magaalada, taasi waxaa loogu mahadcelinayaa  Ciidamada Dowladda Soomaliya oo xil iska saaray amniga, madaxda Dowladda waxaa dhankooda ka go’an in ay bixiyaan wax walba oo amniga lagu sugi karo”, ayuu yiri wasiir Yariisow.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Soomaliya Eng C/raxmaan Cumar Osmaan (Yariisow)  ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya oo kaashanaysa saaxibadda Caalamka in ay kordhin doonto duqeymaha ay la beegsato saldhigyadda ay ku sugan yihiin hogaamiyayaasha Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Hadalkaan kasoo baxay wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaliya ayaa kusoo beegmaya xili xalay Dowladda ay xaqiijisay dilka Gudoomiyihii Maleeshiyaadka Al-shabaab ugu magacownaa Gobolka banaadir Cali Maxamed Xuseen Cali (Jabal)kaasi oo la rumeysan in lagu beegsaday duqeyn ka dhacday Shabeelaha Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *