Duqa Gaalkacyo” Waan Ognahay Cidda dadka disha,, 

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Gudddoomiyaha Magaalada  Gaalkacyo ee Puntland  Mudane Maxamuud Yaasin Axmed Tumey ayaa Faahfaahin ka bixiyay dilal iyo Qaraxyo bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay in ciidamada Ammaanka ee Magaalada in aysan u dulqaadan doonin in maalinkaste la dhibaato bulshadda kunool Magaalada Gaalkacyo, maadaama bilihii lasoo dhaafay ay dhaceen qaraxyo Saraakiil ciidan loogu xiray gawaaridooda.

Maxamuud Yaasin Axmed ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan ogyihiin cida gaysanaysa qaraxyadaasi sidoo kalana ay ka warhayaan halka ay kunool yihiin.

Hadalka Duqa degmada Gaalkacyo ee Puntland ayaa kusoo beegmaya Xilli maalmo ka hor Qarax gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland uu ka dhacay Gaalkacyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *